Madaxii Warbaahinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shaqada ka tagay

0

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya in Agaasimhihii warbaahinta iyo xiriirka bulshada xafiiska Ra’iisulwasaaraha ayaa maanta is casilay.

Calinuur Salaad oo ahaa agaasimaha warfaafinta iyo xiriirka bulshada xafiiska Ra’iisulwasaaraha, lana aaminsan yahay inuu kamid ahaa mas’uuliyiinta ugu dhowaa Xasan Cali Kheyre ayaa xilkan hayay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay.

Qoraal faahfaahsan oo iscasilaaddiisa ku lifaaqnaa ayuu ku sheegay in isbedel ku yimid aragtida xukuumadda dartiis uu shaqada uga tagay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in xafiiska warfaafinta ra’iisulwasaaraha lagu biiriyo kan madaxtooyada, si looga hortago in ra’iisulwasaaraha cusub uu yeesho xiriir bulsho oo toos ah.

Waxaa la filayaa inay shaqada ka tagaan la taliyayaashii ku dhowaa Ra’iisul Wasaarihii hore, kadib markii shaqada laga ceyriyay xoghayihii xafiiska.