Galmudug oo sheegtay in ay wado qorsho lagu dhisayo wadooyinka burbursan

0

Cali Daahir Ciid Madaxweyne ku xigeenka maamulka  Galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay dhisayaan kaabayaasha dhaqaalaha ee  Maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay wadaan qorsho  dib u dhis lagu sameynayo  laamiga mara bartamaha caasimada ka hor inta uusan dhicin shirka magaalada Dhuusamareeb ay ku balansan yihiin madaxda DFS iyo kuwa Dowlad goboleedyada, kaasi oo la filayo inuu dhaco 15 Agoosto.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in qarashaadka ku baxaya dhismaha wadadaasi ay qayb ahaan bixinayso wasaarada Maaliyada ee DFS.

Cali Ciid ayaa ganacsata ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan doorkooda dib u dhiska wadooyinka  halbowlaha u ah isku socodka Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.