Maxkamadda Gobolka oo Xukun ku Riday Wariye C.casiis Gurbiye

0

Wariye Cabdicasiis Gurbiye oo ka tirsanaa Idaacadda Goobjoog ayaa saaka maxkamadda gobolka Banaadir waxay ku xukuntay 6bilood oo xabsi ah iyo 5Milyan oo shilin Soomaali ah.

Waxay sidoo kale sheegtay Maxkamaddu in uu iibsan karo xukunka ay Maxkamaddu ku ridday.

Maxkamadda ayaa sheegtay in loo Cuskaday qodobka 368 oo ah faafinta war been abuur ah, waa sida maxkamaddu sheegtay.

Weriyaha cidda eedeysay illaa hadda si sax ah uma cadda , Waxaase Xusid mudan inuu War aan jirin  Faafiyey Xiligii uu dalka soo gaadhay CUdurka Koroona, Isagoo sheegay inuu Madaxwaynaha Cisbitaal ka Qaatay  Mashiinka Neefsashada.