R/wasaare Mahdi oo Beesha Calamka u digay iyo Siciid deni oo Codsi u diray !

0

Qof walba taariikhda meel ayuu ka galayaa, arintu mar waxay dhex taallaa Soomaali, marna waxay dhex joogtaa Soomaali iyo Shisheeeyee. Laba hadal oo ay kala sheegeen Ra’iisal wasaaraha KMG ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed{Khadar} iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Abdullaahi Deni, runtii midkastaa in la taariikheeyo oo meel lagu qoro berina lagu xisaabtamo ayeey mudan yihiin.

Ra’iisal wasaare Khadar wuxuu u digey dalalka siyaasada gudaha ee dalka Soomaaliya faragelinaya, wuxuuna yidhi “Dalkeena dastuurkiisa, madaxbanaanidiisa iyo go’aamadda hay’adihisa dastuuriga ah ma faragelin karaan dalalka shisheeye” Waana uga digeynaa!

Waa hadal geesinimo,gobonimo iyo hogaamiyenimo Soomaaliyeed xanbaarsan.

Dhinaca kale Madaxweyne Siciid deni wuxuu yidhi “dalalka beesha caalamka waxan ugu baaqaynaa inaysan markeey wax dhacaan uun ka hadlin arimahee ay toos u soo farageliyaan, oo go’aamada dalka Somalia wax ku yeeshaan, oo hay’adaha dhex galaan”.

Hadaba, qofkastoo Soomaalinimo ku jirto waxan weydiinayaa, masuulka maanta isagoo gobol haysta waxaas ku tiraabay ma mudan yahay in qof damiir Soomaalinimo ah leh ka aamuso? Mase mudan yahay inuu dad iyo deegaan Soomaaliyeed sii masalo? Shacabka reer Puntland, oo wadaniyad iyo sharaf badnaan iyo halgan weligood ku suntanaa, hadeey arintan ka mudahaaradi waayaan, kana dhiidhiyi waayaan, gabayo iyo geeraaro ayaa waajibaya in loo tiriyo.

Mudane Deni, waa muhiim in la kala barro Farmaajo colaada uu u qabo iyo qaranimada, shatafta, madax banaanida iyo gobonimada Soomaaliyeed. Dalkeenu 60 sanno ka hor ayuu xoroowbey, Talyaani iyo Ingiriisna waa laga waday, si kastoo aan u bur bursanahay toban qof hadeey naga hadhaan yeeli mayno inaan gumaysi cusub ku casuuno.

W/Q : Suleiman Xaashi