DHAGEYSO:-Wasiir Falagle“Galmudug Waxay Isku Diyaarinaysaa Wajiga 3-aad ee Shirka”

0

Magaalada dhuusamareeb waxaa lagu soo gabagabeeyay Wajiga labaad ee shirka wadatashiga madaxda Dowlada faderalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa waxa lagu soo waramaya in hada wixii ka dambeeya loo diyaargarowbayo wajiga sadaaxaad shirka madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboledyada kaasi oo ka dhacaya isla magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug.

Maamulka galmudug oo isagu fidiyay Gogosha taala dhuusamareeb ayaa shaaciyay in ay u diyaargarow bayaan In dhuusamareeb uu ka dhaco wajiga sadaaxaad ee shir madaxdaxeeda ka Dowlada faderalka iyo dowladaha xubnaha ka ah

Wasiirka warfaafinta maamulka galmudug Axmed shire Falagle ayaa sheegay inay isku diyaarinayaan wajiga sadaxaad ee shirka wajiyadii horana uu siwanaagsan ugu soo dhamaaday.

Wasiir falagle ayaa dhankale tilmaamay in wax culus dhaqaale ama amni aysan galmudug ku heyn shirka wadatashiga dowlada faderalka iyo dowlada xubnaha ka ah islmarkaasna ay u diyaargarobayaan sidii laba todobaad gudohood uu ugu qabsoo milahaa wajiga sadaxaad ee shirka.