Dowladda Oo Agab Caafimaad Gaarsiisay Degmo Ka Tirsan G/Gedo

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Agab Caafimaad gaarsiisay Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo, iyadoo Maamulka Magaalada uu ka hadlay arrintaas.

Agabka Caafimaad ee la gaarsiiyay Magaalada Doolow ayaa waxaa uu yahay mid loogu tala-galay ka hortega faafida Cudurka halista ah ee COVID-19 oo kiisas farabadan laga helay dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maamulka Doolow Cali Farxaan Faarax Mire oo la hadlay warbaahinta ayaa Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay  Agabka Caafimaadka ay gaarsiiyeen.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Farxaan in Deeqadan Caafimaad ee lasoo gaarsiisay ay yahay mid muhiim u ah Bulshada ku dhaqan Magaalada, isla markaana wax badan laga faa’iidi doono agabkaas.

Ugu dambeyn Madaxa Caafimaadka Doolow ee Gobolka Gedo ayaa isna dhankiisa ugu mahadceliyay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda, isagoo xusay in Deeqdaas ay ka kooban tahay 9609 sheeg, waxaana ku jira Joodariyaal dhowr ah oo lagu seexdo.