Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

0

Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa xalay waxaa uu dagaal xoogan uu ku dhexmaray deegaan ka tirsan ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaas uu socday muddo kooban.

Dadka deegaanka Halgan ayaa soo sheegaya in xalay ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen, isla markaana aysan xaqiijin karin Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, maadaama  ay aheyd xili habeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka Itoobiya ay tureen tirro Madaafiic ah, kuwaasi oo la sheegay in qaarkood ay ku dhaceen dhul-how ah oo socodka dadka uu uu ku yar yahay.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan oo geystay Khasaaro ku qaaday Saldhigyo Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.