Akhriso:-Ajendaha Kulanka Maanta Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalda Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta labaad ee wax ka Badalka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda oo horey Xildhibaanada Akhrinta Koowaad u marsiiyeen.

Xalay ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa loo diray fariimo loogu wargeliyo in Maanta uu jiro kulanka, isla markaana Mudanayaaasha looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan, si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka horyaalla.

Xarunta Villa Hargeysa oo haatan waxaa ka socda qaban-qaabada uu ku furmayo kulanka Golaha, waxaana halkaas kusii qul-qulaya Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana kulanka uu furmayaa saacadaha soo socda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa inta iyo markii uu furmay Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka waxaa ay ku ansixiyeen sharciyo kala duwan oo la horgeeyay.