Wajigii 1aad ee shirka Madaxda Dowlad goboleedyada oo la soo gabagabeeyay

0

Wajiga koowaad ee Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedyada Galmudug.

Munaasabadda xiritaanka waxaa ka qeybgalay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo khudbadda xiritaanka jeediyay ayaa sheegay in wajiga labaad Shirka ay rajeynayaan ka qaybgalka Madaxda DFS oo maalmaha soo socda ku biireysa.

Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay in kulankaas labaad uu u dhaco sida wajiga 1-aad uu ugu soo dhamaaday bilaa muran, maadaama Madax goboleedyadu ay isla garteen qodobadii miiska lasoo dhigay.

“Towfiiq iyo talo ayuu kusoo dhamaaday wajiga koowaad ee shirka, sida la tilmaamay xalka iyo sida wax waliba loo wajihi karo, waxa aan u gudbeynaa qaybta labaad oo aan rajeyneyno in ay kusoo biiraan Madaxda DFS, waxa aan isla garanay in uu maro wadada shirka dhamaaday oo kale” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa shacabka iyo guud ahaan reer Galmudug ugu baaqay in aysan ka daalin kaalmada iyo dadaalka xooggan oo ay gelinayaan Shirarka xalka u ah dalka.

Taageero dheeraad ah ayuu ka dalbaday in ay u muujiyaan inta ay ku howlan yihiin meel u ridista doorashada dalka oo Mustaqbal u ah 4-sano ee Soo socota, maadaama DFS iyo DG ay ku xiran tahay go’aamada ay isla gaaraan si looga gudbo waqtiga kala guurka ah.