Puntland oo ka jawaabtay hadal ka soo yeeray wasiirka waxbarashada soomaaliya

0

Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdulaahi Goodax Barre, oo ahaa in ardayda Puntland aan la siindoonin shahaadada dugsiga sare ee ay bixiso dowladda soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa yidhi,” Shahaadadu hadday tahay mid uu leeyahay wasiir Goodax Barre, isagay ayay xor tahay inuu diido, balse haddii ay tahay shahaado Soomaaliyeed awood uma lahan inuu ka hor istaagi karo ardayda Puntland.”

Puntland, wasiirkeeda waxbarasho wuxuu ku tilmaamay hadalada soo noqnoqday ee wasiir Goodax inay dhaawac ku yihiin qalbiyada ardayda Soomaaliyeed ee Puntland iyo wax wada lahaanshaha umadda Soomaaliyeed.

“Runtii, waxaan aad uga xunnahay sida uu wasiirku ugu jawaabay gabadh kamid ah ardayda Puntland ee sanadkaan gashay imtixaanka shahaadiga. Waxaa noo muuqatay inuu si aqoon la’aan ah ugu jawaabay ardayadaas oo uu niyad jabiyay. Dad badan oo aqoonyahanno ah oo garanaya nidaamka federalka iyo waxbarashada ayaa ka xumaaday hadalkiisa,” ayuu yidhi Cabdulaahi Maxamed Xasan.