Amitabh Bachchan oo la dhigey Isbitaal kadib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19

0

Aktarkii caanka ahaa ee dalka Hindiya Amitabh Bachchan Soomaalidana u taqaan “Calidheere”ayaa la dhigey isbitaal kadib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19.

Amitabh ayaa boggiisa twitterka ku soo qoray;” Waxaa la iga helay Covid,isbitaal ayaan ku jiraa,waxaana sugayaa jawaabta baaritaan qoyskeyga iyo shaqaalahayga lagu sameeyay.”

Wiilka uu dhalay Cali Dheere oo isaguna ah Jilaa Abhishek ayaa sidoo kale laga helay cudurka Covid-19.

CaliDheere oo 77 sano jir ah ayaa wax ka jilay illaa labao boqol oo filim isagoo ku dhex jirey jilista aflaamta Hindiga muddo konton sano ah.

Amitabh iyo wiilkiisa Abhishek oo 44 sano jir ah ayaa la dhigey isbitaalka Nanavati ee magaalada Mumbai waxana uu sheegay Abhishekh in labadooduba xaaladoodu ay wanaagsan tahay.

Waxa uu Amitabh ku taliyay in qof kii u soo dhowaaday tobankii maalmood ee ugu dambeysay laga baaro cudurka Covid-19.

Amitabh ayaa ka mid ahaa dadka caanka ah ee dowlada Hindiya ka caawinayay fariimaha loogaga hortago cudurka Covid-19.

Dalka Hindiya ayaa dad gaaraya 821,000 oo ruux laga helay cudurka Covid-19 dalka Hindiya, waxaana u geeriyootay cudurka dad gaaraya 22,123 oo ruux.