SAWIRRO:-Madaxwaynaha Galmudug oo Qado-sharaf Madaxda Maamulada ugu sameeyay Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug qado sharaf ugu sameeyey madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada

Kulanka ayaa ahaa mid gogol xaar u ah shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo beri si rasmi ah uga furmaya caasimadda GM ee Dhuusamareeb.

Madaxda maamulada ayaa Kulamo gaar ah ku leh magaalada Dhuusamareeb, Waxaana la filayaa in Shirka u dhexeeya maamuladu uu si rasmi ah uga Furmo Dhuusamareeb.

Amniga guud ee magaalada Dhuusamareeb ayaa siwayn loo adkeeyay, Waxaana la filayaa in shirka diirada lagu saaro xaalada guud ee dalka iyo Arinta Doorashada.