Dagaal dhexmaray Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo Al Shabaab

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegaya in deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ay ku dagaalameen ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo xubno ka tirsan Al Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay hawlgallo ku qaadeen deegaanno hoos yimaada gobolka Jubbada Dhexe.

Deegaannada ay hawlgalada ka fuliyeen ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Koban iyo Araare, waxaana ka dhashay dagaalka Khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Ilaa iyo hadda ma jiraan warar sheegaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.