Dowladda Oo Hirgelisay Xarunta Qaran Ee Ka Digista Halis Wadareedka

0

Xarunta cusub ee ka digista halisyada iyo musiibooyinka ayaa sidoo kale noqon doonta meel lagala socdo heerka cimalada, heerka ay marayaan webiyada dalka, abaaraha, socodka deybeylaha iyo dhammaan halis wadareedka isu badali kara musiibooyinka ka hor inta aanay dhicin.

Ra’isal Wasaare ku-xigeenka JFS ayaa sheegay in talaabada lagu howlgaliyay nidaamka bixiya digniinta halis-wadareedka ay tahay guul u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in hirgalinta xaruntan ay wax weyn ka tareyso yareynta saameynta musiibooyinka ku yeeshaan goballada iyo degmooyinka dalka.

“In aan manta yeelanno xarun sii odorosta saadaalna ka bixisa halisyada soo fool leh waxey ku tusineysaa soo kabashada qaranka, manta halkii aan xogta cimiladeenna ka sugi lahayn meelo kale waxaay Dowladda Soomaaliyeed awoodeysaa in ay xoojiso u diyaar garoowgeeda halisyada yimaadda taasoo yareyneyso saameynta taban ee musiibooyinka ku yeeshaan bulshooyinkeenna” ayuu yir Md Mahdi Maxmed Guuleed, Ra’isal Wasaare kuxigeenka JMFS.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa dadaal xooggan ku bixisay sidii loo hirgalin lahaa xaruntan si loo yareeyo musiibooyinka soo noq noqda ee dalka ka dhaca sida fatahaadaha abaaraha iyo dabeylaha.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Md Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya diyaarisay hab-dhismeedka xarunta, shaqaalaha ka howl-gali lahaa iyo khubaro tababarro joogta ah siiya shaqaalaha xarunta.

Md Xamsa Saciid Xamsa waxa uu sheegay in xogta la xiriirta dhammaan halis-wadareedka oo ay horay u bixin jireen hey’ado iyo ururro aan dowli ahayn ay hadda wixi ka dambeeya laga heli doono xarunta qaran ee ka digista halis wadareedka.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in Sameynta xaruntan ay ka mid tahay guulaha sii xoojinaya madax bannaanida Soomaaliya si la mid ah soo celinta maamulka hawada Soomaaliya oo muddo dheer ka dib ku soo noqotay gacanta Dowladda Soomaaliya.