Madaxweynaha Turkiga oo Lacag ugu deeqay Qaxootiga Syria

0

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan ayaa lacag dhan 37 kun oo dollar ugu deeqay mashruuc gury loogu dhisayo qoyasas danyar ah oo ku sugan magaalada Idlib ee dalka Suuriya.

Lacagtan ayaa qaar kamid ah warbaahinta dalka Turkigu sheegtay in madaxweyne Erdogan uu jeebkiisa ka bixiyay.

Xukumadda Turkiga ayaa horay u ballaan qaaday in 50 kun oo guri ay u dhisi doonta qaxootiga dalka Suuriya dhammaadka sanadkan.

Mashruucan oo ah mid loogu gargaarayo dadka ku nool magaalada dagaalladu ay dilloodeen ee Idlib ayaa waxaa markii hore billlaabtay hay’adda maareynta masiibooyinka ee dalka Turkiga, waxaase dib ka ogaaday madaxweyne Erdogan, taas oo keentay in masuuliyiin badan ay ballan qaad sameeyaan.

Lacagta uu bixiyay madaxweyne Erdogan ayaa la sheegay in ay u dhiganto dhismaha 50 guri.

Gollaha wasiirada ee dalka Turkiga ayaa iyaguna kuso biiray in ay kaqayb qaataan mashruucan taakuleynta ah , waxayna ku deeqeen lacag la sheegay in lagu dhisi karo 490 guri.

Wajiga koowaad ee mashruucan ayaa lagu wadaa in la dhameystiro dhammaadka sanadkaan.