DHAGEYSO:-Baarlamaanka Puntland oo kulan deg deg ku yeeshay Garoowe.

0

Kulanka 11-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada maamulka  Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamulka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad  Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Kulanka ayaa maanta waxaa goob-joog ah 41 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah soo gudbinta Warbixinta Xisaab-xirka 2019 ee Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Puntland ee gacanta ku hayey xisaab-xirkii sannad-maaliyadeedka 2019 oo Guddiga ku sameeyay akhriskii 2-aad.

Ka dib Tallo-soo jeedinta Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland waxaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 39 Xildhibaan, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan mana jirin cid diiday.

Dhanka kalena, waxaa maanta Xildhibaanadda Golaha Wakiillada dowlad gobaleedka Puntland loo qeybiyay Wax-ka bedelka xeerka Dawladaha Hoose ee Puntland (Law Number 7).