Dowladda Soomaaliya oo Codsatay kamid noqoshada Golaha Ammaanka ee QM

0

Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyada oo doonaysa in ay u tartanto sannadka 2023-da.

Kulan Hambalyo ah oo dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Wasiirka Arimaha Dibadadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Daahir Cusmaan Baalle ayaa lagu wadaagay Qorshe Soomaaliya ay ku dooneyso kamid Noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweyne Farmaajo la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka kaas oo ah in Soomaaliya ay ku guuleysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey ” Sidaa ayaa lagu yiri Qoraal Ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa Ka kooban 15 xubnood kuwaasi oo Shan mid ah ay yihiin joogto Sida Mareykanka,Ruushka,Ingiriiska,Faransiiska iyo Shiinaha, Halka Tobbanka kale aysan joogto ahayn iyagoo Muddo xileedkooda uu ku egyahay 2 sanno.