Somalia Oo Ka Qeyb Gashay Shir Deg-Deg Ay Yeesheen Jaamacadda Carabta

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Mareegta Internet-ka uga qeyb galay Shir Deg deg  ah oo ay yeesheen Wasiirrada Arrimaha Bulshada ee Waddamada Jaamacadda Carabta.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay sameeynta uu ku yeeshay Cudurka Coronavirus Waddamada Jaamacadda Carabta, kaasi oo si darran ugu faafay Caalamka oo dhan.

Kullanka oo ku qabsoomay alaada fogaan-aragga ayuu Wasiir Warfaa kusoo bandhigay dedaallada Dowladda Soomaaliya ee ka hortagga faafida Cudurka halista ah ee COVID-19 iyo saamaynta Bulsho iyo Dhaqaale ee dalka uu u geystay fayruska.

Dood dheer ka dib , wasiirrada Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta ayaa waxaa ay isku raaceen sidii lagu gaari lahaa qorshe wadajir ah oo dhaqso uga jawaabaya fayruska Covid-19 iyo xannuunada faafa, iyadoo taageerro la siinayo waddamada u nugul caloodaha iyo dhibaatooyinka dhaqaale.