DHAGEYSO:-Madaxweyaha JFS oo kulan ugu yeeray Wasiiro iyo Xildhibaano

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu Maanta kulan la qaato Wasiirada, Senatarada iyo Xildhibaanadda ka soo jeeda Somaliland, ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Xalay ayaa Wasiirada iyo Xildhibaannada waxaa loo diray farriimo lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan casuumaadaas oo ah mid kala war-qaadasho ah, in kastoo aan weli sidhab ah loo ogeyn inay ogoladeen iyo in kale.

Kulanka ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha uu warbixin ka siiyo shirkii Wada-hadalada Doladda Soomaaliya iyo Somaliland ee todobaadki hore uga qeyb galay Jabuuti iyo arrimo ku saabsan doorashooyinka oo Kuraasta Gobolada Waqooyi lagu dooran doono Muqdisho iyo qodobo kale.