Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay degmada Wanlaweyn’

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo u saabsan qarax qasaare geystey oo ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabelaha Hoose.

Saddex ruux ayaa ku geeriyootay saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxan oo la sheegay inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhacay guri uu degenaa mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Milatariga balse xilligaa uu ka maqnaa.

Dadka waxyeeladu soo gaartay ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen ciidamo ku sugnaa guriga. Ciidamada milatariga ayaa dad u xirxirey qaraxan iyadoo la sheegay in baaritaan lagu sameyn doono.