Howlgal Ka Dhan Ah Al-Shabaab Oo Looga Dhawaaqay G/Bakool

0

Madaxweynaha dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulan looga hadlayay howlgal ka dhan ah Al-shabaab ee Gobalka Bakool la qaatay Taliska guutada sagaalad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Genraal Muqtaar Maxmed Cabdulahi  geesey taliyaha guutada sagaalad ee ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegey in kulanka ay Madaxweynaha la qaateen uu ahaa mid is xog wareysi ah.

Waxaa uu intaasi uu ku sii daray in Madaxweynuhu uu aad u daneynayay, howlaha Ciidamada, isagoo ku dardaarmay sidii Al-shabaab looga xoreyn lahaa deegaano ka tirsan Gobolka Bakool, waxaanu sidoo kale uu innoo ballan qaaday wax badan oo lagu horumarinayo guutada.

Genaral Muqtaar Geesey ayaa sidoo kale Sheegey in Madaxweyne lafta-gareen ay isla soo qaadeen sidii loo soo dhameystirilahaa qorshayaasha horumarineed ee loogu talogalay dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyay Al-shabaab.