Covid 19 oo markale kusoo laabtay dalka Iran

0

Dalka Iran todobaadyadii la soo dhaafay waxaa sare u kacayay tirada kiisaska fayraska karona taasi oo abuurtay cabsi ah in dalku uu mar kale wajihi karo mowjad labaad oo ah Covid-19.

Iiraan ayaa bartamihii bishii Abril bilowday in ay dabciso xayaaridihii saarnaa kadib markii hoos u dhac laga dareemay dadka cudurka qaadaya.

Kiisaska cusub ee cudurka ayaa celcelis ahaan gaarayay in ka badan 3,000 maalintii todobaadkii ugu horeyay ee bishaan juun, taasi oo ka dhigan in 50% ay sare u kacday asbuucii ka horeyay.

Tirada ayaa ka sara martay 3,574, khamiistii oo ku beegneed 4-ta bishaan Juun, ka hor inta aaney hoos u soo dhicin.

Sodonkii bishii Maarso ayaa tiradii ugu badneyd waxaa ay gaartay 3,186, intii lagu guda jiray bilowga cudurka, iyadoo xiligaas ay Iiraan ka mid noqotay dalalka uu aadka fayrasku u saameyay marka laga soo tago dalka Shiinaha oo ah halkii uu ka soo bilowday.