Koofur Galbeed oo iska fogeysay inay carqaladeysay shirkii DF iyo Dowlad Goboleedyada

0

Maamulka Koofur Galbeed ayaa beeniyay wararka sheegaya inay sabab u ahaayeen fashilka ku yimid shir u dhaxeeyay Guddiyo ka kala socda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo todobaadkii hore dhex maray wada hadalo dhanka qadka muuqaalka ee Zoomka.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in aysan is hor-taagin shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana Guddiyo labada dhinac ka kala socda ay weli wadaan doodahooda ku saabsan ajandaha shirka, goorta iyo goobta shirka uu ka dhacayo si ay isugu yimaadaan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Shirkii todobaadkii hore dhanka muuqaalka ku dhex maray dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa la isku fahmi waayay, xilliga iyo goobta shirka lagu qabanayo, waxaana jiray aragtiyo kala duwan oo ay soo kala jeediyeen xubnihii matalayay dowlad goboleedyada, waxaana isku aragti noqday Jubbaland, Puntland, Galmudug iyo Hishabeelle, halka Koofur Galbeed oo ku dhow Villa Somalia ay istaagtay aragti ka duwan.