Aqalka Sare oo go’aano ka soo saaray Wadada loo marayo qabashada doorasho heshiis lagu yahay

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo saaray war saxaafadeed ka soo baxay Shirkii Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka Sare.

Aqalka sare ayaa muujiyay in baahi degdeg ah loo qabo in laga wada hadlo arrimaha doorashada, maadaama muddo xileedka Hey’addaha Dastuuriga uu sii dhamaanayo.

War saxaafadeedka Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare ayaa lagu sheegay Goluhu uu leeyahay kaalin dastuuri ah oo ku aadan isu keenista Madaxda Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleedyo, si looga arrinsado loogana heshiiyo hannaan lagu meel marinayo xaalada kala guurka ah ee dalka

Sidoo kale waxaa uu Guddiga ayaa sheegay in qabashada doorashooyinka ay u baahan tahay wadatashi degdeg ah ay isugu yimaadaan dhammaan Madaxda Qaranka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda ka hor 25 bishan June.