DHAGEYSO:-Kalfadhiga ugu dambeeya baarlamanka 10-ad ee Soomaaliya oo maanta furmaya

0

Kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta la furo, kaas oo ah kalfadhigii ugu dambeeyay ee baaralaankan 10-aad, waxaana la sheegay in xafladda furitaanku ay ka dhici doonto xarunta Jeneraal Kaahiye.

Wararka qaar ayaa sheegaya in mar kale loo weeciyey halka ay xafladaasi ka dhaceyso xarunta uu haatan galaha shacabku ku shaqeeyo ee Villa Hargeysa, waxaana lagu wadaa in kaldhafiga uu furo madaxweyne Farmaajo, sida dastuuriga ahba.

Kalfadhigan waxa sida la sheegay aad u yar martida lagu casuumay, waxaana lagu wargeliyay warbaahinta madaxa banaan in aysan tebin doonin xafladaas.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in xafladaas uu ka jeediyo khudbad uu uga hadli doono arrimo ay ka mid tahay doorashada dalka ku soo wajahan oo aad loo daneynayo in mar un uu soo hadal qaado Faraamjo.