SAWIRRO:-Maamulka Galmudug oo lagu wareejiyay gaadiid iyo maleeshiyaad la socday

0

Maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay gaadiid iyo maleeshiyaad la sheegay in ay la socdeen gaadiidkaasi.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu wareejiyay gaadiidka iyo maleeshiyaadka la socday, waxaana goob joog ahaa wasiirka wasaaradda Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Waxaa la sheegay in lagu xerayn doono xerada tababarka ciidamada ee Indha-Qaris ee ku taalla duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.