Dagaal Al-Shabaab iyo Ciidamada dawlada ku dhex maray gobolka Gedo

0

Wararka ka laga helayo gobolka Gedo ayaa waxa ay ku soo waramayaan,in maanta uu dagaal ku dhex maray degmada Buur-dhuubo ee gobolkaasi Gedo, ciidamo ka tirsan dawlada Somalia iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii, xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen goob ay ku sugnaayeen masuuliyiinta maamulka degmada.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay markii hore weraarka soo qaadaan , balse waxaa la sheegay in uu khasaare ka soo gaaray sida ay masuuliyiinta degmada inoo sheegeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayaa ka hadlay dagaalkii maanta, ayaa waxa ay sheegeen in ay khasaare gaarsiiyeen masuuliyiinta iyo ciidamadii dawlada ee ay weerarka ku qaadeen.