Dowlada Jabuuti oo gaarsiisay gargaar dadka ay fatahaaduhu saameeyeen ee Beledweyne

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa uga mahad celiyay dowlada Jabuuti gargaarka ay marwalba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Hirshabelle.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa kulan la qaatay Saraakiil la socotay diyaarad sidey gargaar kala duwan oo ay dowlada Jabuuti ugu deeqday dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Gargaarkan oo ah mid loogu talagalay In lagu caawiyo dadka Jilicsan ee uu saameeyay Fatahaadda webiga Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan oo gar gaarkani kula wareegay garoonka Ugaas Khaliif ayaa ka mahadceliyay garab istaaga Shacabka iyo dowladda Jibuuti, waxaana Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo dowladiisa uu ka codsaday in ay ka gacan siiyaan Helista Gaadiidka Birta culus sida baalayaasha, Cagafta, iyo gaadiidka kale ee la halmaala islamarkaana loo adeegsado Biyo xireenka.