DAAWO:- Kheyre:“Laga bilaabo maanta waa in madaxda iyo golaha wasiiradu ka shaqeeyaan in dalka ay doorasho ka dhacdo.”

0

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa kulan uu shalay kula qaatay habka fogaan aragga waxa uu ugu baaqay golaha wasiirada xukuumadiisa inay u diyaargaroobaan sidii ay ugaga qeybqaadan lahaayeen in dalka ay doorasho ku dhacdo.

Xasan Cali Kheyre ayaa u sheegay golaha wasiirada in howlaha ugu muhiin ee dowlada horyaal ay yihiin doorashooyinka ayna ka qeybqaataan sidii loo qaban lahaa doorasho ku dhacdo si nabad ah.

“Afartii sano waa in mar doorasho la galo, doorasho dadka intooda badan isla oggol yihiin stake holders badankood ama kuligood qeyb ka yihiin.”ayaa ka mid ahaa qudbadii uu u jeediyay Kheyre golihiisa wasiirada iyadoo codkiisana laga dheehan karay inuu taxadar ka muuqdo qudbadiisa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xusuusiyay golihiisa wasiirada in sharciyada ay ku joogaan xilalkana ku hayaan ay tahay mid ku timid doorasho.

“Doorasho ayaa ka dhici jirtey dalka nooceey rabto ha ahaatee, waana tan sharciyada aaan halkan ku joogno na siisay.”

“Dalka doorasho inay ka dhacdo ayaa ka muhiimsan inta kale qof walba inuu dareemo in afartii sano mar dalkaan doorasho ka dhacdo.”ayuu sii raaciyay Ra’iisul Wasare Kheyre.

Isagoo si kooban uga hadlay heerka ay maraysa u diyaargarowga qabashada doorashada ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in ay gacanta ku hayaan baarlamaanka iyo guddiyo kale.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay Ra’iisul Wasaraha in loo baahan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho ummadu ay u dhan tahay kuna dhacda si xasillooni ah shacabkana ay ka qeybqaataan.