AKHRISO:- Somaliland oo ka digtay mashaariic sita magaca Soomaaliya in laga fuliyo degaanadeeda

0

Golaha wasiirrada Somaliland ayaa ka digay mashaariic ay sheegeen in la doonayo in gudaha Somaliland laga fuliyo iyagoo sita magaca Soomaaliya.

Shir ay maanta ku yeesheen Hargeysa ayay ku sheegeen in tilaabo laga qaadi doono Cidii isku dayda falkaasi.

Waxaanay golaha wasiirada Somaliland dood dheer ka yeesheen qaabka loo wajahayo hirgalinta guud ahaan mashaariicda laga fulinayo gudaha Somaliland waxaanay ay go’amiyeen.

• In ay reebban tahay in hay’ad aan dalka ka diiwaan gashanayni ay mashaariic ka fuliso gudaha Somaliland.

• Waxa Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka la faray in ay diiwaan galiso dhammaan mashaariicda dalka ka socda isla markaasna ay hubiso inay waafaqsan yihiin shuruucda iyo habraacyada u degsan Somaliland.

• Dhamman Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda waxa la faray in aanay aqbalin fulinta mashruuc aan waafaqsanayn sharciga iyo habraacyada dalka Somaliland u degsan.

• Golaha Wasiiradu waxa uu go’aamiyey in Somaliland ay ka qeyb geli karto oo keliya shirarka lagu soo marti-qaado iyadoo ah qaran madax-bannaan oo aan cidna ku lammaanayn.