AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo si adag cambaareysay dhalinyaradii lagu laayay Gololey

0

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay deegaanka Gololey oo hoos-tagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo lagu dilay illaa 8 dhalinyaro ka shaqeynayay xarun caafimaad.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay xasuuqa falalka noocaan ay ku caan baxeen kooxaha argagixisada, ayna ka shaqeeyaan iska hor keenta qeybaha kala duwan ee bulshada , si ay colaad uga dhex abuuraan.

Sidoo kale dowladda ayaa amartay baaritaan degdeg ah in lagu sameeyo dhacdadaas, laguna dadaalo in dambiilayaasha xasuuqay dadkaas gacanta lagu soo dhigo, si cadaaladda loo horkeeno.

War saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta:-