DHAGEYSO:-Meydadka 8 dhalinyaro ah oo la soo dhigey deegaanka Gololey ee degmada Balcad

0

Wararka ka imanaya deegaanka Gololey ee degmada Balcad ayaa sheegaya in la soo dhigey banaanka deegaankaas meydadka siddeed dhalinyaro ah oo shalay laga qafaashay deegaanka Gololey.

Dhalinyaradan oo qaarkood ka shaqeynayay xarun caafimaad iyo qaar kale oo degenaa deegaanka Gololey ayaa shalay laga qafaashay isla deegaanka.

Lama oga cidda ka dambeysay dilka dhalinyarada la soo dhigey meydadkooda deegaanka Gololey oo ka xigta degmada Balcad ilaa 7km.

Waa markii ugu horeysay ee fal noocan oo kale ah uu ka dhaco deegaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe.