Gaari uu watay Sarkaal Boolis ah oo lagu qarxiyay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay degmada Xamar weyne, kaasoo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa ahaa mid loogu xiray gaarigiisa Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska, waxaana uu qaraxa dhacay xilli uu marayay agagaarka Hotelka Muna ama dhabarka dambe Barxada Iskaashatooyinka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu ku geeriyooday Sarkaalka boolis ee gaariga loogu xiray qaraxa, waxaana magaciisa lagu soo koobay Jaabiri.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay tagay, waxaana ay ka qaadeen Meydka Sarkaalka Booliska ahaa.