AKHRISO:- Spain oo u baroordiiqeysa dadkii kaga dhintay Cudurka Corona virus

0

Dowladda Spain ayaa bilowday 10 maalmood oo baroordiiq ah oo lagu xasuusanayo dadkii uga dhintay Cudurka Covid 19.

Xukuumadda ayaa sidoo kale amartay in hoos la dhigo calanka ilaa iyo Shanta Bisha soo socoto.

27,000 oo qof oo naftooda ku waayey cudurka coronavirus dalka Spain.

Waxaa uu guud ahaan Cudurka ku dhacay 283,339 sidda ay xaqiijiyeen Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay in Cudurka ay ka bogsadeen ilaa 196,958.