AKHRISO:- Puntland oo la gaarsiiyay qalabka lagu dagaallamo Covid 19

0

Wasaaaradda caafimaadka Puntland ayaa maanta Mashruuca TIS+ ee Haay’ada USAID kala wareegtay qalab caafimaad oo loogu talagalay xarumaha karantiilka iyo dawaynta Covid19.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa goobjoog ka ahaa wareejinta qalabkaan, waxaana ay uga mahadceliyeen agab caafimaad ee ay maanta la wareegeen.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan ayaa ugu mahadceliyay TIS+ ee Haay’ada USAID qalabka ay maanta kala wareegeen looguna talagalay xarumaha karantiilka iyo dawaynta Covid 19.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay inay horayna tageero usoo gaarsiisay hay’addu kaasi oo sariiro ubadnaa loogu talagalay bukaanka uu ku qaba Covid19, waxaana uu hay’addaha kale faray inay ka qaybqaataqn sidaan oo kale