DAAWO:-Puntland iyo Galmudug oo kulan ka yeeshay Amniga G/Mudug

0

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa Maanta kulan ku yeeshay wafdi ka socday Maamulada Puntland iyo Galmudug, iyadoo kulanka looga hadlay arrimo kala duwan.

Kulanka ayaa inta uu socday arrimaha ay diirada ku saareen labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland waxaa kamid ahaa dhanka amniga Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada kale ee ka tirsan Gobolka.

Sidoo kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen la-dagaalanka wax loogu yeero Argagixisada iyo sidii sare loogu qaadi lahaa sugida amniga Gobolka Mudug.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in kulanka uu ahaa mid muhiim ah oo looga hadlay intiisa amniga Gobolka iyo sidii loo sii wada lahaa dadaadla nabadeynta ee shacabka ku dhaqan halkaas.

Waxaa uu sheegay Wasiir Dhabancad in Puntland iyo Galmudug ay iska kaashan doonaan Arrimaha hay’addaha dowliga ah, wuxuuna Wasiirka rajo wanaagsan ka muujiyay in Arrimaha laga wada hadlay ay horey sii socon doonaan.