Maraykanka “Haweenay Shaqada ku wayday Nin Madow ah oo Muuqaal ka duubay iyo waxa dhacay “

0

Haweeney beer ka mid ah beeraha lagu nasto ee ku yaalla magaalada New York Ey ku wadatay oo uu nin madow ah ku yidhi eeygaaga naga xidho oo booliska wacday kaddibna u sheegtay inuu nin madow ah uu u hanjabay ayaa shaqadeeda laga eryey.

Ninka madowga ah ee haweeneyda ka dalbaday iney eeygeeda xidhato wuxuu sheegay iney ujeeddadiisu ahayd si uu eeyga uu u waxyeelleyn shimbiraha iyo xayawaanaadka kale ee beertaasi nasashada ku sugan.

Haweeneydi waxay ninki madowga ahaa u sheegtay iney booliska waceyso Waxayna booliska u sheegtay nin madow ah inuu u hanjabay oo ay bafteeda khatar ku jirto.

Ninka madowga ee haweeneyda la hadlay oo jaamacadda Harvard ka qalin jabiyey Christian iyo Ms Cooper hadalladi dhex maray oo dhan waa uu duubayey si ay caddeyn ugu noqoto maadaamaa ay booliska iney waceyso ay u sheegtay.

Muuqaalka uu duubay ninka madow oo uu baraha bulshada ku sii daayeyna waxaa daawaday dad ka badan 10 malyan oo qof.

Khilaafka labada qof oo billaawday marka uu ninka madowga ah uu arkay inuu eeyga ay Ms Cooper wadato uu hadba meel u boodaya oo dhirta iyo cawska uu dhibaateynayo, digniin qoraal ah oo beertaasi lagu qorayna uu dadka farayo iney dhirta iyo bey’ada ilaaliyaan.

Marka uu haweeneydi ku yiri eeyga naga xiro eeygaaga iyaduna waxay ugu jawaabtay ineysan xireyn wax ka quseeyana uu jirin.

Ninku madowga ahaa wuxuu isku dayay inuu eeygi uu xakameeyo oo uu ka saaro dhirta iyo uabaxa uu waxyeelleynayo, kaddib haweeneydi ayaa si cara leh uga jawaabtay, ninkii madowga ahaa oo ka shakiyey haweeneyda sida ay u dhaqmeyso ayaa wixi dhexmaray oo dhan muuqaal ka duubay.

Muuqaalki uu duubayna wuxuu ku baahiyey boggiisa twiitarka dadki daawadayna waxay haweeneyda u reebeen kumannaan farriimood oo ficilkeeda lagu naqdinayo.

Qaarna waxyaba sheegeen xilli dad madow ah si cunsuriyad ah oo bareer ah loo dilayo waxa ay haweeneydan ku dhaqantay ay tahay cunsuriyad cad.

Dhawaan wiil madow ah oo 25 jir ah oo lagu magaacabo Axmed Arberi waxaa toogasho ku dilay laba nin oo caddaan ah.

Afar askari oo boolis ah oo ku sugan magaalada Minneapolis ee carriga Mareykanka ayaa shaqada laga eryey kaddib marki lagu helay muuqaal laga duubay dil loo geystay nin madow ah iney ku lug lahaayeen.