Kheyre oo gudoomiyey kulan lagu go’aamiyay in gurmad deg deg ah lala gaaro deegaano laga xusay Galmudug

0

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xalay guddoomiyay shirkii joogtada ahaa ee guddiga Qaran ee xakameynta cudurka COVID19.

Shirkaas waxaa xalay ka qayb galay madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana looga dhageystay warbixin ku saabsan xaaladihii u dambeeyay ee deegaanada Galmudug iyo saameynta uu ku leeyahay cudurka COVID-19.

Shirka ayaa lagu go’aamiyay in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo deegaanada dowlad goboleedyada ay xaaladaha daran ka jiraan, kuwaas oo Galmudug ay kamid tahay.

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa la sheegay in shalay cudurka Coronavirus ay ugu geeriyootay lix qofood, halka 31 qofood oo kalena ay la il-daranyihiin, kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaalada magaalada Cadaado ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta caafimaadka degmada.

Maamulka degmadda Cadaado ayaa durbadiiba soo saaray amaro cusub, kuwaas oo looga hortegayo cudurka Coronavirus.

Amarradaas waxaa ka mid ah joojinta qaadka la keeno degmada, kaas oo si caadi ah markii hore u maan jiray, in la xiro maqaayadaha iyo masaajidada degmadaas lana joojiyo isku imaatinka bulshada.

Guddoomiyaha degmada Cadaado ayaa laamaha ammaanka faray in si deg deg ah loo hir galiyo amarradan cusub ee lagu xakameynayo faafitaanka cudurka COVID-19.

Warbixintii u dambeysay ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya waxaa lagu sheegay in dalka laga diiwan geliyay 22-kiis oo cudurka COVID-19 ah, hal qof oo u geeriyooday iyo 18-qofood oo bogsatay xanuunka.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,711 xaaladood, tirada bogsashada ayaa gaartay 253, halka  inta la ogyahay 67 qofood loo diiwaan geliyay inay u geeriyoodeen cudurkaas.