Galmudug Oo Qaaday Isbaarooyin Dhowr Ah Digniina Dirtay

0

Wasiirka Warfaafinta dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle  ayaa ka hadlay Isbaarooyin dhowr ah oo yaallay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, kuwaasi oo gabi ahaan la qaaday.

Wasiir Falagle oo shir jaraa’id ku qabtay  Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in saakay Maamulka Galmudug u suura gashay inay qaadan dhammaan Isbaarooyinkii yaallay Gobolka Mudug, iyadoo uusan wax dagaal ka dhicin.

Waxaa uu sheegay Wasiir Falagle in goobihii laga qaaday Isbaarooyinka la geeyay Ciidamo isugu jiray Booliska iyo kuwa Daraawiish ah oo ka tirsan Galmudug, isla markaana sugaya amniga deegaanadaas.

Sidoo kale Wasiir Falagle ayaa waxaa uu tilmaamay in Go’aan lagu gaaray in qofkii lagu arko isaga oo wata qori, isla markaana shacabka ku dhibaateynaya wadada aan la soo xiri doonin, balse goobta lagu dilayo.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay in Wasaaradda amniga Mamulka Gamudug ay si adeg uga dagaalami doonto cid kasta oo Isbaaro dhigato deegaanada Galmudug, wuxuuna Carabka ku dhuftay in shacabka si nabad ah ugu safri doonaan halkaas.