Faah faahin ka soo baxaya Shil gaari dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

0

Faah faahin ayaa ka soo baxaya shil gaari oo  ka dhacay Isgoyska degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, kaasoo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Shilkan ayaa ka dambeeyay markii gaari xamuul ah oo nooca loo yaqaano N3 oo fariinka goostay uu dhex galay kaalin Shidaal ku taal degmada Howl-wadaag.

Illaa 10 ruux ayaa ku geeriyootay shilka, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Shirlka ayaa sidoo kale sababay burbur xooggan, gaar ahaan gawaari ku sugneyd kaalinka shidaal, waxaa ku jiray mooto bajaaj goobta yaalay

Maamulka degmada Howl-wadaag ayaa sheegay in darawalka shilka geliyay gaariga uu ahaa kirishboy.