Ciidamo Boolis ah oo Si Naxariis darro ah Nin Madow ah ugu dilay Minnesota & Askartii oo la Eryay

0

Waxaa dalka Maraykanka  gaar ahaan Gobolka Minnesota ka dhacday Arin Murugo badan oo Cadho Xoog badan iyo Banaanbax dhalisay, Kadib markii la helay Muuqaal laga duubay dil arxan daro ah askar cadaan ah oo katirsan booliisku ay u gaysteen magaalada Minneapolis nin madow ah.

Mid kamid ah askartan ayaa nina madowga ah Qoorta uga qabtay  jilibkiisa , taas oo sababtay in daqiiqado badan ninkaasi qeyliyo uuna codsado in la bad baadiyo balse ugu dambeyn nafta ka baxday.

Duqa magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka Jacob Frey ayaa shaqada ka eryey askariga dilka geestay iyo sadex sargaal kale oo shaqada ku wehlisay xiliga uu dilka dhacayay kuwaa oo garab ku siinayay dilka.

Bulshada madow ee kunool dalka Mareykanka ayaa si weyn uga cadhooday dhacdadan naxariis darada ah, waxaana falkan sidoo kale aad u cambaareeyay dadyow kala duwan ay ku jiraan cadaan kuwaa oo sheegay in aan la aqbali karin jinsi naceyb.

Booliiska dalka Mareykanka gaar ahaan kuwa cadaanka ah ayaa sidoo kale marar badan iyada oo la daawanayo u dilay dad madow ah, dowlada Mareykanka ayaana ku guul daraysatay wax ka qabashada tacadiyada booliiska u geestaan dadka Madowga ah.