AKHRISO:- Sheekh Shariif “Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka”

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa ka digay isku day walba oo lagu kordhinayo muddo xileedka Hey’adaha Dastuuriga, ka dib markii shalay labadda aqal ay dib u dhigeen Kulankoodii.

Shariif Sheekh ayaa ku eedeeyay Guddoonka Baarlamaanka inuu ku xadgudbay Dastuurka KMG iyo sharciga doorashooyinka, tallaabadii muddo bil dib loogu dhigay hor imaanshihii Baarlamaanka ee Guddiga doorashooyinka Qaran.

“Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Wixii ka dhasha isku daygaas waxaa masuuliyaddeeda dusha u ridan doona madaxda dowladda”

Ugu dambeyntii Shariif ayaa yiri “Dowladdan waxay ku fashilantay waajibaadkii loo doortay oo ay ugu horreysay qabashada doorasho qof iyo cod ah kuna dhacda si xor ah oo xalaal ah”