SAWIRO:- Taliyaha Ciidanka xogga oo kormeer ku maraya Xeryaha Ciidanka ee Galmudug

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage oo kujira safar uu Ku marayo Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Deegaanada Galmudug ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado , isagoo kormeer ugu tagey Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay Xerada General “Kaanti” ee Duleedka Cadaado .

Kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee xoogga dalka sida Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad iyo Gaashaane Aadan Siyaad Cabdi Abaanduulaha Qaybta 21-aad , cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga ayuu taliyuhu salaan sharaf ka qaatay waxaana intaa kadib soo dhoweyn u sameeyay Maamulka Degmada Cadaado oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha C/laahi C/raxmaan Tootoole .

Cadaado ayaa haatan qayb ka ah Xarumaha ugu waaweyn ee Qaybta 21-aad iyadoo fadhiisin u ah Guutada 13-aad Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka .