Qarax Miino oo lala eegtay ciidamo marayay duleedka Degmada Balcad

0

Wararka ka imanaya deegaanka Gololey ee degmada Balcad ayaa sheegaya in weerar miino ah lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo milatari ah oo ku sii jeeday degmada Balcad.

Weerarkan oo maanta dhacay ayaa wararku waxa ay sheegayaan in gaariga miinadu la kacday uu ka mid ahaa gaadiid ka howlgala gobolka Sh/dhexe.

Afar ka mid ah ciidamadii saarneyd gaariga oo nooca Soomaalidu u taqaan Cabdi Bilaha ayaa ku dhimatay halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Ururka Alshabaab ayaa dhiga miinooyin wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Balcad iyadoo hore qaraxyo lagula eegtay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM iyo ciidamada Milatariga.