Galmudug oo magacowday guddiga farsamada dhismaha Goloyaasha deegaanka

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha ee maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu magacaabay guddiga farsamada dhisidda Goloyaasha deegaanka ee maamulkaasi.

Xubnahan oo tiradooda gaaraysa ilaa iyo 7 xubnood ayaa waxaa ay ka shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa gole deegaan,  iyagoona bilaabi doono kulamo ay la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmooyinka ay ka kooban yihiin gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Saleemaan Cabdullaahi Xasan ayaa loo magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha guddiga farsamada iyo dhisida ee golayaasha deegaanka ee deegaanada Galmudug.