AKHRISO:- Shir looga tashanayay diyaarinta xeerarka Sharciga doorashoyinka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Guddiga-wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee BFS ayaa maanta waxay kulan wadatashi ah kula yeesheen Siyaasisiyiinta ka soo jeeda Gobollada Waqooyi xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Kulanka ayaa waxaa ay ka dhageysteen Wasiirada, Xildhibaanadda, Xubnaha Aqalka Sare iyo Siyaasiyiinta kasoo jeedda Goboladda Waqoooyi oo uu kamid yahay Ra’iisulwasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Kulankooda ayeey diirada ku saareen labada dhinac qabyo-tirka mid kamid ah Nuqullada Afarta xeer ee guddiga loo igmaday,xilli Bilaha soo socda la gelayo Arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya.

Kulanka waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddi-wadajirka ah Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow,waxaana goobjog ka ahaa inta badan Xubnaha Guddiga oo ka kooban Baarlamaanka labada Aqal.