AKHRISO:- Kani Torun “Midowga Afrika waa in aysan faragelin siyaasadda gudaha ee Somalia”

0

Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya Amb. Kani Torun ayaa ugu baaqay Midowga Afrika in uusan faragelin siyaasadda gudaha ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo bartiisa Twitter-ka uu ku qoray ayuu Safiirkii hore ee Turkiga kaga falceliyay hadal ka soo yeeray Maamulka Jubbaland oo lagu cambaareeyay khudbadii maalmo ka hor uu Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Kani Torun ayaa yiri “Midowga Afrika waa in uusan faragelin siyaasada gudaha ee Soomaaliya, Midowga Afrika waa inay dhex dhexaad ka noqdaan kooxaha siyaasadda haddii kale waxay wiiqi doontaa xasilloonida jilicsan”

Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madiera ayaa la kulmaya cambaareyn xooggan, kaddib markii u sheegay in Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe uu heshiis la gaaray Mucaaradka Ogaadeen oo ugala jeeday in dhammaan dhinacyadii ka soo horjeeday doorashadiisa ay isku heyb ahaayeen.

Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo C/rashiid Xidig oo ka mid ahaa xubnihii mucaaradka ee la heshiiyay Axmed Madoobe ayaa si kulul uga jawaabay hadalka Madeira, kuna tilmaamay mid aan la aqbali karin iyo anshax xumo, waxaana ay ku baaqeen in dalka laga saaro.