AKHRISO:- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Muslimiinta Ugu Hambalyeeyay Ciidul Fidriga

0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Muslimiinta munaasabadda Ciidul Fidriga gaar ahaan dadka kunool gudaha Itoobiya iyo dibadda.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ku qornaa Luuqada Carabiga ayaa waxaa lagu sheegay inuu faraxsan yahay inuu Umadda Muslimiinta ugu hambalyeeyo Munaasabadda Ciidul fidriga oo Maanta ay tahay maalinta Koowaad.

Sidoo kale Dr. Abiy ayaa waxaa uu bogaadiyay dadaalka Kheyriga ahaa oo ay sameeyeen Muslimiinta kunool Itoobiya inta lagu guda jiray Bishii Ramadaan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka hadlay xaaladda Gobolka, wuxuuna ku baaqay in dardar geliyo sugida amniga, isla markaana laga hortego falalka la xiriira wax loogu yeero argagixisada.