DHAGEYSO:-Galmudug oo Hanjabaad u Dirtay Maleeshiyaad Dagaal Hurinaya

0

Maamulka Galmudug ayaa sheegey in ay tilaabo adag ka qaadayaan cid kasta oo ku howlan in ay dib usoo cusbooneysiiyo colaadihi ka taagnaa Gobolka Mudug ee u dhaxeeyey Maamulada Puntlan iyo Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboledka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in ay gacan adeg ku qaban doonaan cid walba oo ku howlan in qalalaaso iyo colaad ay ka dhex abuurto Maamulada Puntland iyo Galmudug deeganada ay dariska ka yihiin sidoo kalana ay labada Maamul Go’aan wada jira ka qaadanayaan Kooxaha Maleeshiyadka ah ee dilalka iyo Dhibaatoyinka ka geysanya sidii hal meel looga soo jeedsan lahaa.