AKHRISO:- Wasaaradda Caafimaadka oo soo jeedisay in la baajiyo dabaaldaga maalmaha Ciida

0

La taliyaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fuje ayaa maanta diirada saaray dabaaldaga maalmaha ciida ee nagu soo fool leh in ay bulshadu yareyso is dhaxgalka maadama ay jirto qatar aad uweyn oo ah caabuqa COVID-19.

Waxaa uu ku booriyay in lagu dadaalo dhaqan gelinta dhammaan qaababka looga hortago caabuqa sida dhaqashada gacmaha oo la joogteeyo, xirashada af-xirka iyo kala fogaanshiyaha.

Lataliyaha ayaa soo jeediyay in la baajiyo dabaaldaga munaasabada ciida maadama uu jiro cudur dilaac ayna ka imaan karto isu imaanshiyaha bulshada inuu sii faafo caabuqa.

Sidoo kale wuxuu fariin udiray isbitaalada inay muujiyaan diyaar garow adag maadama ciida ay dhici karto inu caabuqa faafo oo ay hal mar qaabili karaan dad fara badan oo uu soo ritay cudurka